Jamciyada khayriga ee Al Ta’awun Social Service iyadoo ka jawabaysa biyo yaranti ka jirtay degaanada Qandala ayey Jamciyadu waxay diyaarisay mashruuc lagu qodayo waro (Biyo qabatin) si ay u yaradaan biyo yaraanta kuwaas oo laga qoday deganada (UNUUN & DHADAAR) Jamciyada oo kaashanaysa hayada cunada aduunka ee WFP iyo dadka degaanka, Barnamijkaas oo bilaabmay bishii APRIL sanadkaan 2016 ayey shaqadu waxay usocotaa si hufan waxayna ku dhow dahay heer gabo gabo ah,
Warahaas waxay ka saacidayaan xili-roobaadka inay qabtaan biyo ku filan ugu yaraan 8 bilood waxayna qaadi doonta 6,000,000 oo litir cel celis ahaan halki biyo-qabatin, Jamciyada oo kashanaysa dadka degaanka oo ka qayb libaax ka qadanayey inay hirgasho barnamijkan ayey u tahay fursad shaqo abuur dad gaaraya 858 qof oo ka faa’idaysanaya barnamijkaan oo ah shaqo cuno ku bedelasho, ugu danbayn waxay Jamciyadu umahad celinaysa intii ka qayb qadatay hirgalinta mashruucan miro dhalka ah waxaana eebe waydisanayna inuu noqdo mid dadku ka faa’idaan noqdana mid nabadeed oo si nabada loo wado cabo.